Gabaygii Kaluunka | Cabdi C Boss & Yassin Sh Noor
- Yassin Ade
- May 1, 2020
- 1 min read
Updated: Oct 27, 2020

Cabdi Cali Boos oo xabad Kaluun ah gacanta ku wata ayaa yiri sidaan.
🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟
Kaabaha cimriga weeye. Koriyaha caqliga weeye . Kaalmaati loo qaato . Fiitamiina kala nooc ah. Waa kayd inoo yaala.
Koontiyo khasnado. Nin kalluun dayacay heedhe. Korimaayo ubadkiisu. Gaajana ka bixi mayo.
🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟🐟
Yassin Sh Noor oo aad ula dhacay Tixda Cabdi ayaa Kaftan bogaadis bilaabay
oo Tixdii Cabdi Tuduc Tuduc u soo qaatay sidii inuu dadka u fasiraayo, oo yiri.
kaabaha cimriga weeye
Kaftan baan ku darayaaye
Kalmadaa runtaa weeye
Konton sano adoo dhaafay waadigaa kadlaynaaya.
🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈
koriyaha caqliga weeye
Kalmadaa runtaa weeye kolkii hawshu kululaatay
kuuja haaba ay joogtay
waadigii karkaar aaday
🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈
kaalmaati jira weeye
Kaftan baan ku darayaaye
odaygii kaluun quuta
Islaantiisu kahanmayso
koortiisu damimaysoo
Computer shidan weeye.
🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈
Waa kayd inoo yaala.
Kalmadaa runtaa weeye
waa kayd inoo gaara oo lagu kifaaxaayo.
Kumbis iyo shariir weeye
Karuur iyo labeen weeye
Soomaalaay kolkaad doonto
Kaalayoo qabqabo weeye.
Koontada ku shubo weeye.
🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈🦈
Nin kalluun dayacay heedhe
Korimaayo ubadkiisu gaajana ka bixi maayo
Kalmadaa runtaa weeye.
Ubad aan kaluun quundan
Korkoodaa ka garataayo.
Kariin baa kuwada yaala.
Abidkiina korimaayo .
kaadkuu ka ooyaa.
Kolki aad kaluun doonto
Kaba kaa dhamaynmaayo
Faras lagu kaxayn mayo
Waran lagu kilkili mayo
Kaymaha intuu aado
Geel jire kaxaynmaayo
🐟🐟GREEN/CAGAAR = Cabdi Cali BOSS
🦈🦈White/Cadaan = Yassin Sh Noor.
Kaluunkaas magazine?